Aduunyadu Waa Wareegto
Waagii Kasta ee Yimaada
Wuxuun Baa Laga Dhaxlaaye
——————
Wakhtiga Aad Joogto Maanta
Hadduu Adi kuu wacnaaday
Dadweynaha Kugu wareegsan
Inbaa Warwartoo yabaalsan
Bulshada Qaar baa Walaacsan
———————————————
Xaqiiqada Waarankeeda
Haduu Wariyuhu Tilmaamo
Xogtiisiyo Waajibkiisa
Wargeyska Haduu ku Faafsho
Adigu Weger Hawga Qaadan
Wadkii Dhimashada Ha Moodin.
Oo Ha Weerarin Aragtidiisa
Xoriyatul Qawlkana Ha Wiiqin
————————
Shacbigu Waa Wada Walaalo
Walaayo Haday Kusiiyeen
Yar Iyo Weyn Kuu Codeeyeen
———————
Ayaantaad Waabka Fuushay
Hadaad Wax Wanaajin Weyday
Hadduu Suxufigu Warkiisa
Websiyada Uu Ku Faafsho
Sun Iyo Waabey Ha Moodin
Erayo: Maxamed Cabdillahi Faarax (Soofadhiiste)
Laxan:- Dahir Cabdulle Calasow
Ещё видео!