SUBSCRIBE MY CHANNEL FOR MORE
WWW.YOUTUBE.COM/SAKARIAALI
LYRICS:-
Wuxuu Aqalku Yahay Aqal
Marka Uu Ku Eegyahay
Isla Qabadka Hawlaha
Qof Waliba Intiisee..
Marse Haddii Is Fahankiyo
Amarkiyo Tixgalintii
Iyo Kala Danbayntii,
Midna Oolin Meesha
Aas-aaska Qoysnimo
Adhaxduu Ka Jabanyoo,
Waagii Iftiimaba,
Waa Uuriyo Qaylee.
Siddaan Goor iyo Ayaan,
Arrimaha Danteena ah,
Ugu Diido Hadimada'e
Adna Iinta Uga Dhawr,
Ar-danbe iyo Maantaba,
Ha Aflaxo Jacaylkuye.
Waxa Sharaf Raga u Ah,
Ee Dumarkana Amaan ule,
In La Kala Xishoodooy,
Asuraan Xogtoodee.
Kolse Hadduu Dhaco Xaal,
I Jiid Aan ku Jiidiyo,
Eersi aan Dhamaaniyo,
Muraniyo Is Garab Yaal,
Aas-aaska Qoysnimo
Adhaxduu Ka Jabanyoo,
Waagii Iftiimaba,
Ubadkiina Daaayacan.
Siddaan Goor iyo Ayaan,
Arrimaha Danteena ah,
Ugu Diido Hadimada'e
Adna Iinta Uga Dhawr,
Ar-danbe iyo Maantaba,
Ha Aflaxo Jacaylkuye.
![](https://i.ytimg.com/vi/7LNJCg3WFK0/maxresdefault.jpg)