Haddii ay jirto hees
Aad baadi goobaysid
Ama aad erayadeeda rabto
Nagu soo weydii hoos
Qaybta comments ka
Suugaan daweynoo
dad hore yidhi baa tidhi
dameeraa dihashada
Weylo daadiyoo dhalay
dad miyuu aqbalayaa
waxaan uga dan leeyahay
dacwadeydu ay tahay
anna kaan u daalee
u dayoobey awgii
marna tirada kuma darin
uurkeyga kama dagin
Warkaase dabaylahu
Duufaanku ii sidey
Ma runbaan ku daayaa
Dibna kuuma magac dhabo
Mise dira diraalaha
kala dila dadka is jecel
labadii is doortaba
kuwa loogu dawgaley
Ayaa dan kale wada
duminaaya caashaqa
Wataa nabadii durugtee
horta yey isku keen diray
dambiga ayaa iska leh
dumadiisa ayey tahay
yaa dabinadaa dhigay
yaa dooxay caashaqa
qalbigeenii duufsaday
Sugaan daweynoo
diiwaan galaa tidhi
Nugaal gur gur laga waa
Docmana aroor qabay
dad ma qaadan karayaa
Waxaan uga dan leeyahay
ama dacwadu iga tahay
ana kaan dub iyo jiir
u dugaashay awgii
dareenkayga kamaan helin
uurkayga kama dagin
Warkase sin dadabkiyo
Iigu yimid durduro fudud
ma runbaa ka diga rogey
dibna waanad u arkeyn
Mise dab munaafaq shiday baa
ayaa muumiin dalaq yidhi
Damac waashay baa tidhi
waxa aan ku daayaa
ku danbaalayeystaba
dakharkii dhayaysaa
Wataa nabadii durugtee
horta yey isku keen diray
dambiga yaa iska leh
Dummadiisa ayey tahay
yaa dabinadaa dhigay
Yaa dooxay caashaqa
qalbigeenii duufsaday
Ещё видео!