Erayadii:Xuseen aw-faarax dubbad
Laxankii:mohamed saleebaan tubeec
Lyrics:Zuper siciid dhiif
Lyrics...
Dhool da'ay lamoodyeey
Waan kugu dhadhabayaa
Dharaartaynu kulanaa
Dhulku ila wareegoo
Dhimasho iyo nolol baan
Wali kala dhex joogaa
Dhankii aad i marisaba
Kuu dhiibay taladee
Adna haygu dheerayn
Dhibaatadan i haysoo
Iisoo dhawee
Aan dhamayno xaajada
Dhidib baxay lamoodyeey
Waan kaa dhursugayaa
Dhawaaqaan jeclaystaan
Dhaqso kaaga filayaa
Dhayal haw malaynine
Wayga dhab caashaquye
Wadnahay dhufanayoo
Dhiigayga nuugaayee
Adna haygu dheerayn
Dhibaatadan i haysoo
Isoo dhawee
Aan dhamayno xaajada
Dhal wadaad lamoodyeey
Indhahaa ku dhaygaga
Dhabada hilaaciyo
Dhoola ka qosalkaagee
Dhaqaaq joogsigaygaa
Dhalaanku ila yaabaa
Yuu ku dhaafin hadalkuye
Ii dhaga nugloow
Adna haygu dheerayn
Dhibatadan i haysoo
Iisoo dhawee
Aan dhamayno xaajada
Qoraalka heesta Haday wax naga qaldameen comments noogu sax walaal mhadsanid....
____________________________________
Kusoo dhowoow Dhiif qaraam fadlan hadii aan nagu cusubtahay SUBCRIBE noo saar LIKE nagu dhiiri gali COMMENTS nagula wadaag fikradaada, nagu xirnaw marwalbo oo nooga baro heeso qaraami ah, waxaan u istaagnay soo noolaynta fankii hore iyo soo gudbinta heesihii hore.
My social media accounts...
_____________________________
facebook| zuper siciid dhiif
Facebook page| Dhiif
Instegram| siciid dhiif
Tiktok| Dhiif1
____________________________
MHDSANID........
![](https://s2.save4k.ru/pic/9Xp1dx6CbZA/mqdefault.jpg)