Ol Olaha Horumarinta Reer Miyiga( Somali Rural Literacy Campaign) wuxuu ahaa barnaamij qaran oo caalamka uu la fajay ummada Soomaaliyeedna tusay kalsoonida ah in ay bulsho wax qabsan karto. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah, "Rag tashaday cir tararay wey toli karaan taako labadeede", oo macnuhu yahay mar haddii talo la helo wax aan la soo koobi karin ayuu aadmigu qaban karaa. "Rag" waxaa loola jeedo dad oo dhan, rag iyo dumar ayaana ku jira.
![](https://i.ytimg.com/vi/P0sgUBxbyQA/maxresdefault.jpg)