War kasoo baxay taliska ciidamada daraawiishta Puntland ayaa looga hadlay dhalinyaro lagu soo qab qabtay howlgal ka dhacay Boosaaso.
Sarkaal katirsan ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay xubo katirsan Al shabaab iyo daacish.
“Ciidanka PSF hawlgal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish iyo agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri.
Wali wax war ah kama soo bixin Al shabaab ama daacish oo looga hadlayo Xubnaha la qabtay iyo agabka la sheegay in loo waday.
Ciidamada Puntaland ayaa dadaal badan ugu jira, sidii looga adkaan lahaa Dagaalyahanada Al shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama qaar kamid ah deegaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda galgala.
Ещё видео!