.“Haatuf”
Heestan Haatuf isaga oo abwaan Hadraawi ka sheekaynaaya ayuu yidhi, “..... Cilmi Boodhari waa la wada yaqaannaa, waxa la yidhaahdaa waa ninkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeedee jacayl u dhintay ama waxan caashaqa la yidhaahdo. Laba kale oo lammaane ahna waa lagu daraayoo Saylacdaa taariikhdoodu tahay oo la kala odhan jiray; anigu kollayba sidan magacyada u maqlay Muliyo iyo Meecaad! Oo se illaa haddadan aan iyaga meel la isla dhigin waxay sheekadoodu ahayd. Cilmi Berbera ayuu ku aasanyahay. Sannadkii 1971-kii ayaannu tagnay magaalada Berbera, waa la dhammaa; ama heesaaga caanka ah oo dhami raggu meesha waa marayeen. Alle haw naxariisto e Maxamed Mooge ayaa maraayay, Dararam laa maraayay, Shinbir baa maraayay, Faysal baa maraayay, Cabdiqays baa maraayay, Maxamed Warsame Qaasaali baa maraayay, anaa maraayay, gabadh la yidhaahdo Sahro Siyaad ayaa meesha maraysay. Koox wakhtigaa la abuuray oo magaceeda la odhan jiray “Barkhad Cas” oo magaceedu ka soo jeedo ninkii abwaanka ahaa ee berigii hore la odhan jiray ‘Balaayo Cas’ Alle haw naxariisto. Markaa goor galabnimo ah ayaannu Berbera tagnay, meel hudheel ah ayaannu ku degnay. Rag baa magaalada iska galay, magaaladiina raggaas waxay u sii dhiibtay ama waxa sheekadu ahayd, ‘Ma jeceshihiin in aannu idin soo tusno xabaasha Boodhari?’ isna waxa raggaas ku jiray nin la odhan jiray Cabdiraxmaan Xasan oo heesi jiray; Ilaahay haw naxariisto. Dabeedna rag baa tegay xabaashii Boodhari, anigu kamaan mid ahayn raggaa oo hutelka ayaan ku hadhay. Raggaas Cabdiqays ayaa ka mid ahaa, Maxamed Mooge (AHN) ayaa ka mid ahaa, Axmed Mooge ayaa ka mid ahaa, Faysal baa ka mid ahaa. Dabeeto xabaashii markay tageen way soo noqdeen oo hutelkii ayay yimaaddeen. Runtii iyaga oo aad u murugaysan ayay soo noqdeen; aan idhaahdo galabtaa malaha qaarkood way ooyayeen! Dabadeedna waxa aan weyddiiyay maxaa idinku dhacayoo waxay yidhaahdeen, ‘Waxa aannu soo aragnay xabaashii Boodhari’! Markay sidaa yidhaahdeen anna waxa igu dhalatay in aan soo arko, oo wakhtigaas habeen ayay ahayde aan subaxa tago. Subaxnimadii ayaannu is raacnay, Cabdiqays baa ku jiray raggaannu is raacnay, Cabdiraxmaan Xasan baa ku jiray. Xabaashii baannu dul tagnay, goor kulul ayay ahayd Berberi oo waa meel xeeb ah, oo aan geedka buuraha mooyaane aan geed kale lahayn. Faataxada ayaa loo maray. Kolkii intaasi dhammaatay ayaa la yidhi, ‘mar haddii aynnu xabaashiisii dultaagannahay, malaha kollay waxa habboon wax intaa ka badan?’ dabadeedna waxa la yidhi, ‘waa xilli kulul, gabayada kolka aannu samaynaynana waxa aannu la doonannaa fadhi iyo jaad kollayba, markaa galabta marka aynnu qaylayno, ayaynnu waxaynnu odhanayno odhanaynaa’ markaasaan idhi taa waxa ka sii mudan waxa xabaasha dusheeda laga yidhaahdo. Waxan idhi markaa anigu wax kastaba aan idhaahdee, mar haddaan xabaashii maanta dul joogo, waxa xabaasha dusheeda laga yidhaahdo uunbaa qiimo lehe i daaya baan ku idhi. ‘waayahay’ bay yidhaahdeen oo way iska dhaqaaqeen, oo geed ii dhaw aanan u malayno in uu qudhac ahaa ayay iska hoos fadhiisteen, oo ‘halkan baannu kugu sugaynaa’ ayay igu yidhaaheen. Anna xabaashii ayaan madaxa kaga fadhiistay. Waxbaan raadiyay, umana aan baran wakhtiyadaas oo kale iyo halkaas oo kale wax lagu tiriyo runtii. Malaha waxay ahayd tijaabadii koowaad ee sidaa u dhacda. In door ah markaan fadhiyay ayay yidhaahdee, ‘haddaba annaku ku sugi kari maynee, marka aad soo dhammaysato naga daba kaalay’. ‘Waayahay’ ayaan ku idhi. In door ah markii ay sii socdeen ayay haddana is qabteen, raggii maanta wuu wada noolyahay, ayay is qabteen ooy yidhaahdeen, ‘waar imminka ninkaa haddaynnu xabaasha dusheeda kaga tagno miyaynnu garan karnaa waxa dhici kara?’ markaa bal waxay isku soo qanciyeen in ay igu soo noqdaan. Markaa waxay isku dayeen bal xataa in ay i sasabaan oo yidhaahdaan, ‘ninkan Alle ayaa ku lahaa, waa sheeko dhacday... ’ waayo waxay aad uga yididdiilo xumaayeen in ay halkan oo kale iyo wakhtigan oo kale wax la odhan karo. Laakiin waxan aad iskugu dayaayay in afar baydna ha noqoto e aan xabaashaa dusheeda aan wax ka idhaahdo. Ka dibna heeskan yar ee kooban ayaa muddadii dhawrka saacadood ahayd ee aan meesha taagnaa; kulbaa aad uga dhacaayay oo waaban ku qoyay e’ aan helay.....”
![](https://i.ytimg.com/vi/TX2ulDX08eg/maxresdefault.jpg)