Ma ogtahay siraadeey , caashaqii nasiraye, sahalka aynu moodnay , ee na saaqay berigii. Ma ogtahay siraadeey , caashaqii nasiraye, sahalka aynu moodnay , ee na saaqay berigii.
inuu soo kordhaayo, siigo iyo dabeyl soo kiciyey ceeryaam, oon xalay saqdii dhexe , hurdadii ka salaloo , soo toosay dhowr jeer.
safaad ma leh jacayl kuye, waan sidaaye ila qabo , soo dhawoow oo ila qabo , oo ha igu siideyn. Ma og tahay Siraadeey Soomaali oo idil uma sidatid quruxdee, Hablo kula sinmaa jira , oonan saa u eegin, waa su'aale kalidaa waxaan kaaga sahan saday. sababtuna waxay tahay , sambabada & beerka & wadnaheygaad surantee. safaad ma leh jacayl kuye, waan sidaaye ila qabo , soo dhawoow oo ila qabo , oo ha igu siideyn.
![](https://i.ytimg.com/vi/Tefq-kv9wQM/mqdefault.jpg)