Haddaan idhi bidhaantaada
Uma xiisin waa beene
Ma anaa qof booskaaga
Heli karaya ii buuxsha?
Ma anaan u boholyoobin
Kulankiyo bilkheyrtaada?
Waxa igu bannaanaatay
Halkii aad ku beegnayde
Sida eeg bal muuqayga
U bedelay iswaageenu
Kaalay arag buseelkaagu
Siduu iiga dhigay beylah.
Illintaydu baaq weeye
Bog ku jeceli hayn waayay,
I dareen bal ii fiirso
Oo billaahi way guule
Ii fur buugga naxariista!
Codku waa Amiin Yare
Laxanku waa Khalid Mohamud Abdullahi (Kaamil).
Muusiguna waa Samiir Saam.
![](https://i.ytimg.com/vi/Tg-ry2222wA/mqdefault.jpg)