Saad u adhax jabtiyo
Afra qaadkaagi hore
Saw atoorkii matihid
Arin xumo is yidhi
Isha ceelkee biyaha
maroodiga ka eri
Waad ilduuftee maxaaan
Waana kuusoo akhriyay
Eedi doonoow maxaan
aayar soco ku idhi
arrimahan kuhelay
imisaan kaaGa digay
kooras
Anoo Xooga gaarkoo
Astaan geesimo
isir iyo ab leh
ajashaadaa gashaye
yaa isoo aad ku yidhi
markuu aarkii cartamay
Ee awoodiisa iyo
Adimadii la baxay
Sida goosan adhi
Anba maanaa ku idhi
@@@@
Uuradiyo markuu
Cirku kugu onkaday
Asqa kugu dhacdiyo
Anfariir aawadii
Ajinabiga kale
Eersa maana ku idhi
Nabadaad irdhaysay
Adaa eedayoo
Adaa olol dalbaday
iyo aafadee
Aflibaaxbaad gashaye
Imisaan Joog ku idhi
![](https://i.ytimg.com/vi/g0cEVqwdWg0/mqdefault.jpg)