HEESTA: CAASHAQA MA BARAN WELI
CODKII : KOOSHIN YARE
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Caashaqa ma baran wali
mana beeninaayee
kuu bogaye inanyahay
sidii meel bugtiyo gacan
lagu kala bariiyaa
sida ruuxa beer nugul
jaceyl ugu badheedha
baraadli u seexdaa
haduu yahey bar kuma taal
abwaan uma balweeyeen
ma boqreen Hadraawibaa
Beerlula ma sheegeen
Ninkii baacin jireybaa
deymo loogu baaqaa
lama baajiyee calaf
kuu bogaadey inanyahey
sidii bureeqaan
bar barkaaga taagnaa
biyaha ii dhureysaan
abaalkeeda buuxshaa
xiisuhu ma ba’ayee
hadaad bixi adoon bogan
jaceyl be nabadee
makusii balamiyaa
Caashaqu balo iyo kheyr
midkuu doono hay bado
kuu bogey inanyahow
sidee bilis xishootaa
runta uga badheedhaa
sida ruuxa beer nugul
baahi dhab u noqota
jaceyl ugu barisaa
haduu yahay bar kuma taal
abwaan uma balweeyeen
ma boqreen Hadraawibaa
Beerlula ma sheegeen
Dhulkoo meel barwaaqa ah
oon laheyn bad iyo wabi
dhirtu ay ku badan tahay
beryo laydhsi loo tago
buurta Gacan libaax
ku yaal beydka raaxada
ma kusoo baraayoo
bariba ma isu raacnaa
xiisuhu ma ba’ayee
haddaad bixi adoon bogan
jaceyl be nabadee
makusii bala ... #dhugmaal #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics
Ещё видео!