Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo khasaaro geystay oo maanta duhurkii ka kacay garaash ku yaala Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Dabkaan oo xoogiisa la damiyay ayaa ilaa hada qeyb kamid ah garaashka waxa ay tahay meel gubanaysa, maadaama garaashka dabka ka kacay uu yahay mid ay ku jireen gaadiid badan iyo haaman shidaal.
Goobta dabka uu ka kacay, hada waxaa gaaray oo ku sugan masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi.
Gaadiidka dabdamiska ayaa weli kuguda jira sidii loo baqtiin lahaa dabka oo intiisa badan la damiyay laakiin weli ay socoto gubashada dhul horleh.
Gaadiid qaarkood ay gubteen iyo kuwa badqaba ayaa laga soo saaray garaashka kuwaasi oo la keenay banaanka hore ee geerishka.
![](https://s2.save4k.ru/pic/jYUXYwVnEsg/maxresdefault.jpg)