Cabdi Deeqsi Warfa caan ku ah Cabdi Sinimo wuxuu ahaa fanaan, heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan aad loogu aqoonsaday horumarinta Fanka Soomaalida wakhti dadku aqoon badan u lahayn fanka. Cabdi Sinimo waxaa loo aqoonsaday Aabaha Fanka Soomaaliyeed, sababatoo ah wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee sameeyay qaabka heeso Soomaaligu maanta u dhaco, asaga oo abuuray laxanka iyo habdhaca aasaaska u ahaa qaaciga iyo qaraamiga caanka ah.[1] Cabd Deeqsi wuxuu ku dhashay tuulada Jarahorate, Awdal, Somaliland wakhti lagu qiyaaso 1920kii. Wuxuu heesaha iyo fanka bilaabay qiyaastii 1940kii goortaasi oo uu sameeyay kooxda iyo fanka Balwo.
Ещё видео!