Hees: Xamxamtii Habeenkii
codka: Yaasiin Axmed Goox (Digfeer)
Markaan ku xarrageen
Kuu dhigay xariireen
Xiddigaha ku geeyee
Ii gogoshay xannaanoo
I xasuusan weydee
Caashaqu ma xoog baa
Ma xurquun la quutaa
Xiisuhu ma xaqbaa
Ma xigtiyo sokeeyaa
Waan ka xumahay
Xidhiidhkii dhexdeenniyo
Inay xaajadeennii
Xayaabo durugtiyo
Xuubcaaro noqotaa
Xamxamtii habeenkii
Xubbigiyo jacaylkii
Xoodaamiskeennii
Xagguu maray xabiibi
Caku xiiso-badan!
Waan ka xumahay
Xidhiidhkii dhexdeenniyo
Inay xaajadeennii
Xayaabo durugtiyo
Xuubcaaro noqotaa
Hees: Xamxamtii Habeenkii|| Digfeer|| Balwo Lyrics
Теги
Digfeerxamxamtii habeenkiiayniaxdihadii geel la kala dhacokinsi xaaji aadanxagaaga maraak u ciiraysahra axmedHees Cusub 2020Waqal StudioHaataf StudioLiban JamaDirisle AbdiHees Cusub Lyrics 2020Furinle StudioYurub GeenyoSafwan HalacGulled SimbaQamar SuugaaniXamar BilaHani UKShiine CulayXidigaha XamarHees MacaanMaxamed BKAwale AdanHooyoHees HooyoAxdi dhawrasuldaan axdi dhawraHuryoTubeecQaraamMagoolMaandeeq